Waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Xasan cali Kheyre uu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada.
Suxufiyiinta ka howlgala Magalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya ayaa saakay loogu yeeray Xafiiska Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya si ay goob-joog kaga noqdaan ku dhawaaqista Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaliya.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Golaha wasiirada Xukuumadda Soomaliya ay noqon doonaan 25-wasiir, iyo wasiir ku-xigeeno waxaan jiro doona dhowr Raisulwasaare ku-xigeen wasiirada ayaa noqon wajiyo cusub.
Wixii kusoo kordha kala soco simbanews.com

