Raisulwasaare Cumar C/rashiid oo ka Baaqday Safar uu ku Tagi Lahaa Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug

0

Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa ka baaqday Safar uu Maanta ka Tagi Lahaa Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Ujeedka safarka Raisulwasaaraha soomaliya Cumar C/rashiid ee Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka mudug  ayaa lagu sheegay xalinta qilaafka soo kala dhaxgalay Maamulada Galmudug iyo Puntland oo dhawaan ciidamo ka kala Tirsan Labada Maamul ay ku dagaalameen koonfurta Magaalada Gaalkacyon ee Gobolka Mudug.

Dhanka kale Mudane Cumar C/rashiid cali Sharmarke ayaa la sheegay in Maalinta Bari ah uu gaari doono Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug si uu uu goob joog kaga Noqdo Heshiisyo Nabadeed ay wada gaari doonaan odoyaal kala Matalaya Maamulada Puntland iyo Galmudug,

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here