Labo Qof Oo Xaley Meydadkooda Laga Helay Gobolka Hiiraan

0

Waxaa xaley deegaano ka tirsan gobolka hiiraan lagu arkay meydadka labo qofood oo la sheegay in la dilay.

Labada qof oo la sheegay in ay ahaayeen labo Nin oo Xoolo dhaqato ah ayaa lagu dilay duleedka Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Dadka deegaanka oo qaarkood la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in labada nine e la dilay ay ka soo jeedaan degmada dhuusamareeb islamarkaana ay dileen rag kale oo xoolo dhaqato ah kana soo jeedo Gobolka Hiiraan.

Labada Nin ee la dilay ayaa magacyadooda lagu soo gaabiyay C/naasir iyo Garuun.

Maamulka degmada maxaas weli ma aysan ka hadlin arintaan balse dadki dilka geystay ayaa la xaqiijiyay in Goobta ay isaga baxsadeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here