Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug oo Dib ugu Laabtay Magaalada Cadaado+Sawirro

0

Magaalada Cadaado ee caasimada Km gee Maamulka Galmudug waxaa dib ugu laabtay wafdi uu Hogaaminaayo gudoomiyaha Barlamaanka dowlad goboleedka Galmudug mudane Cali Gacal Casir iyo xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Galmudug.

Wafdigaan ayaa barqanimadii maanta ka amba-baxay magaalada Muqdisho, waxayna horu dhac u yihiin wafdi xildhibaano ah oo la filayo in ay gaaran Magaalada oo 22-ka bishaan lagu qabanayo madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug.

Dhanka kale dhawaan ayaa la filayaa in si rasmi ah u furmo fadhiyada Barlamaanka Dowladd Goboleedka Galmudug, waxaana horyaala shaqooyin muhiim ah oo ay ugu horeyso doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Barlamaanka Galmudug ayaa ku kala qeybsamay xilka qaadistii C/kariim Xuseen Guuleed, waxaana arintaas lagu dhameeyey shirar ka dhacay Magaalada Muqdisho, oo xildhibaanada badankooda ay ku sugnaayeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here