Wasaarada amniga Gudaha dowlada soomaliya ayaa sheegtay in Dhawaan Gacanta Lagu soo dhigi doono Ragii ka dambeeyay dhaawac shalay wada Wadada Makka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho Loogu geystay Sarkaal ka Tirsanaa Wasaarada Amniga,
Agaasimaha Wacyi Galinta Bulshada ee wasaarada amniga Gudaha C/laahi Faarax oo waraaahinta la Hadlay ayaa sheegay in ciidamada amniga ay ku raad joogaan Ragii ka dambeeyay dhaawaca loo geystay sarkaalka ka Tirsanaa Wasaarada Amniga Gudaha.
C/laahi Faarax sidoo kale waxa uu sheegay in xaaladiisa ay wanaagsan Tahay Mas’uulka ka Tirsanaa wasaarada amniga Gudaha oo shalay kooxo Hubeysan ay ku dhaawaceen Wadada Makka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.
Shalay ayay aheyd Markii kooxo Hubeysan ay dhaawac ugu Geysteen Wadada Makka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho sarkaal ka Tirsanaa wasaarada Amniga Gudaha oo xiligaas marayay wadada.

