Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta kula hadlay magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay arinta ku aadan gadoodka ay sameenayaan Ciidamada kala duwan ee Maamulkaas oo ka cabanaya Mushaar La’aan.
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in dhamaan Ciidamada Maamulka Puntland la siiyay Mushaarkii loogu talagalay islamarkaana aysan garanaynin sabab ay Ciidamadaas gadood u sameeyeen, waxaa uu hadalkiisa ku daray madaxweynaha in ay jiraan dhowr saraakiil oo siyaasiyiin iska Noqday oo aan laheyn aqoon saraakiilnimo.
Sidoo kale Madaxweynaha maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay dadka ka shaqeynaya Nabad galyo darada ka jirta deeganada Maamulkaas, in ay ka waantoobaan islamarkaana ay ka shaqeeyaan Hormarka Puntland.
Hadalka Madaxweynaha maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa kusoo beegmaysa xili maalmihii ugu dambeeyay ay soo badanayeen Ciidamda ka tirsan Maamulka Puntland ee la wareegaya xarumaha Maamulkaas, kuwaas oo la sheegay in ay ka cabanayaan Mushaar la’aan.

