Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug waxaa Maanta Lagu wadaa in looga dhawaaqo qodobo horleh oo ay ku heshiinayaan odoyaal kala ma Talaya maamulada Galmudug iyo Puntland oo dhawaan Ciidamo ka kala Tirsan ay ku dagaalameen Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Nabadoon C/raxmaanXuseen oo Matalaya odayaasha kasoo jeeda woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug ayaa idaacada simba u sheegay in Maanta oo Khamiis la filayo in lagu dhawaaqo qodobo Horleh ay kuwada Heshiiyeen odayaasha Labada Maamul,
Dhanka kale Nabadoon C/raxmaan xuseen waxa uu beeniyay wararka ay warbaahinta ay qortay oo sheegaya in la isku Fahmi waayay qodobadii Lagu heshiiyay Taasina ay keenay in odoyaasha Labada Maamul ay kala Tagaan.

