War Deg Deg:-Mas’uul Ka Tirsan Dowladda oo Goordhaweyd Ku Dhaawacmay Qarax Gaarigiisa Loogu Xiray

0

Wararka ka imaanaya Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in Gooordhaweyd uu gudaha degmadaas ka dhacay qarax gaarigiisa loogu xiray Gudoomiyaha Degmadaas Maxamed Xuseen Ganeey.

Qaraxa ayaa la sheegay in lagu xiray gaariga gudoomiyaha, islamarkaana la qarxiyay xili uu la socday Gudoomiyaha Degmada Luuq ee Gobolka Gedo

Qaraxa ayaa si weyn loogu maqlay gudaha Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

qaraxa ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhaawacmay Gudoomiyaha Degmada Luuq ee Gobolka Gedo iyo afar kamid ah ilaaladiisa, waana dhaawaca Gudoomiyaha la geeyay isbitaalka degmada oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada AMISOM.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray Ciidamada amaanka maamulka Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, iyagoo halkaas ka sameeyay baaritaan.

Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here