Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed ay goordhaweyd isaga baxeyn Saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Ceel-baraf oo hoos yimaada Degmada Mahadaay.
Dad ku sugan Deegaanka ay Ciidamada ka baxeen ayaa inoo xaqiijiyay in Ciidamo aad u fara badan oo ka Tirsan kuwa Malatariga Dowladda Soomaliya ay Faarujiyeen Saldhiga deegaanka islamarkaana aysan xiligaan jirin cid ku sugan Saldhiga.
Lama oga sababta ka dambeysa in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya ay ka baxaan Saldhigii ay ku lahaayeen deegaanka Ceel-baraf oo hoos yimaada Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Dhowr jeer oo hore sidaan oo kale ay ugu baxeyn waxaa la wareegay Ciidamada Al-shabaab.

