Kulan ay qadka Teleephon-ka kuwa qaateen madaxweynaha dalka Mareykanka Donald trump iyo Madaxwenaha dalka Kenya Uhur Kenyatta ayaa waxa ay kaga wada hadleen arrimo ay kamid yihiin amaanka Gobalka iyo dagaalka lagula jiro Xarakada Al shabaab.
Labadan hogaamiye ayaa diirada ku saaray kulankooda qadka mobile-ka caqabadaha dagaal ee Kenya kaga imaanaya Xarakada Al-shaabab waxaana madaxweyanah mareykanka uu kala hadlay Kenya in uu ka caawin doono weerarada Al shabaab ay ka geystaan dalkaasi.
Waxaa madaxweynaha mareykanka uu ku amaanay dowlada Kenya Ciidankeeda qeybta ka ah howlgalka midowga Africa ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya iyo sida ciidamada Kenya ay naftooda ugu hurayaan dagaalka lagala soo horjeedo Xarakada Al shabaab.
Kulankaan ayaa noqonaya kii saddexaad uu qadka mobile-ka kula yeesho madaxweynaha mareykanka qaar kamid ah hogaamiyayaasha qaarada Africa tan iyo markii uu la wareegay aqalka cad ee dalkaasi looga arimiyo waxaana horay ay u wada hadleen madaxda dalalka Nigeria and iyo koonfur Africa.
Madaxda reer Africa ee uu qadka mobile-ka kula hadlay madaxweynaha mareykanka ayuu u balan qaaday in maamulkiisa xiriirka dhanka ganacsiga iyo amaanka uu ka taageeri doono.

