Madaxweyne Axmed Madoobe oo Qado Sharaf u Sameeyay Taliyaha Ciidamada Xooga dalka Soomaliyeed + Sawiro

0

Madaxweynaha Maamulka Juba-land Mudane Axmed Maxamed Islaam axmed Madoobe ayaa aqalka Madaxtooyada Maamulkaas qado sharaf ugu sameeyay Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed S/G Maxamed aadan Axmed oo Maalmihii dambe ku sugnaa Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada-Hoose.

Madaxweynaha juba-land axmed Madoobe ayaa kaga Mahadceliyay Taliyaha Ciidamada xoogga dalka soomaliyeed S/G Maxamed aadan Axmed iyo saraakiishii la socotay socdaalkii ay ku Yimaadeen magaalada Kismaayo iyagoona booqasho ku tagay Xurumaha ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Juba-land ay ku leeyihiin Magaalada Kismaayo.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed S/G Maxamed aadan Axmed ayaa booqasho ku joogo Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose isagoona shalay booqasho ku Tagay Xarumaha Magaalada Kismaayo ay dagan Yihiin ciidamada Dowlada Soomaliya iyo kuwa Midowga Africa ee Amisom ee ku sugan Gobolada Jubooyinka,

20151125_141039_resized 20151125_102645_resized 20151125_093936_resized

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here