Madaxweynaha Jubba-land oo Kulan La Yeeshay Haweenka Gudoomiyayaasha Ka ah Xaafadaha Kismaayo+Sawirro

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qado Saharaf sameeyay Haweenka Gudoomiyayaasha ka ah Xaafadaha Magaalada Kismaayo iyo Gobolka Jubada Hoose iyo Gudiyada kala duwan ee ka hawlgala Magaalada Kismaayo.

Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Marwo Qamar Deeq Xaaji Khaliif iyo Gudoomiyaha Ururka Haweenka ayaa ka qayb galay kulan gaar ah oo Madaxweynahu qadada kadib la qaatay Haweenka.

Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Marwo Qamar Deeq Xaaji Khaliif iyo qaar kamid ah Haweenka oo kulanka ka hadlay ayaa Madaxweynaha uga mahad celiyay kulanka iyo qado sharafta uu maanta u sameeyay iyaga oo ka mahad celiyay dadaalka ay Dowladu ugu jirto sidii Xuquuqda ay Haweenku leeyahiin ay mar walba u ahaan lahayd mid dhawrsoon oo aan lagu xad gudbin.

Madaxweynaha ayaa kulanka ka sheegay in Dowladu ay kaalmo iyo tageero la garab taagan tahay Haweenka isagoo balan qaaday in la dhisi doono Xarun u gaar ah Ururka haweenka Jubbaland isla markana lagala shaqayn doono sidii loo abuuri lahaa fursado shaqo iyo kuwo maalgalineed oo ay helaan Haweenka Jubbaland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here