Ala Ha u Naxariistee waxaa goordhaweyd Magaalada Muqdisho ku Geeriyooday Cali Axmed Maxamed (Bood-boode) oo ka Tirsanaa Xildhibaanadii Baarlamaanka 9-aad ee Soomaliya oo mudooyinkii dambe ku xanuusanaa Magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo Kamid ah Baarlamaanka 10-aad ee Golaha shacabka oo la hadlay idaacadda Simba ayaa xaqiijiyay geeridiisa,waxa uuna sheegay in mudooyinkii dambe uu xanuunsaa islamrkaana uu Muqdisho ku Geeriyooday.
Waxa uu tilmaamay in maanta lagu aasayo Degmada Wala-weyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo deegaan ahaan uu kasoo jeeda Xildhibaan Ala Ha u Naxariistee Cali Axmed Maxamed (Bood-boode).

