Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo ) iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo maanta booqasho ku yimid Magaalada muqdisho ayaa waxa ay kawada hadleen abaaraha dalka Soomaliya ka jira iyo sidii wax loogu qaban lahaa.
Labada Mas’uul ayaa waxa ay soo saareen baaq la xiriira Abaaraha dalka Soomaliya xiligaan ka jira oo gaaray heerkii ugu xumaa.
Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Xoghaye Gutters ayaa waxa ay si wadajir ah u sheegeen in Somaliya ay ka jirto macluul loona baahan yahay in adduunyada sida ugu dhaqsiyabha badan wax uga qabato.
Dhanka kale wafdi uu Hogaaminaayo Xoghayaha Guud ee qaramada Midoobay ayaa maanta gaaraya Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay sida uu sheegay WarbaahintaMadaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi maxamed Farmaajo.
Abaaraha ka jira dalka Soomaliya ayaa gaaray heerkii ugu xumaa meelaha qaar waxaa laga soo sheegayaa in abaarta ay dad u dhinteen, dadka ay u indha beeleen.

