Al-shabaab oo Xiliyadda Habeenkii Ka Taliya Xaafadaha Magaalada Marko+Dhageyso

0

Maamulka Magaalada Marka ee Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa sheegay in Magaaladaas xaafadaha ku yaalla ay ka Taliyaan xiliyadda Habeenkii dagaalyahanada Xarakada Alshabaab.

Gudoomiye ku xigeenka Marka C/kariin Xuseen Xasan oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada amaanka dowladda Soomaliya iyo kuwa Koonfur galbeed Soomaliya habeenkii ay fuurijiyaan xaafadaha magaalada islamarkaana ay si nabad ah ay kula wareegaan Ciidamada Al-shabaab.

“Gaadiidka dadweynaha habeenkii ma shaqeeyo Al-shabaab ayaa maamulo habeenkii xaafadaha Magaaladaas, dadweynaha ku nool Magaalada Marka arin layaab badan ayay ku noqotay in habeenkii ay maamulaan Al-shabaab, maalinkiina dowladda Soomaliya, runtii eedeen weyn ayaaan ku leenahay arinkaas”, ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka Marka Ckariin Xuseen Xasan.

Gudoomiye ku xigeenka Marka Ckariin Xuseen Xasan ayaa ugu baaqay dowladda Dhexe ee Federaalka Soomaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya in ay wax ka qabtaan amni xumada ka jirta Magaaladaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here