Iimaan Nuur Iikar oo ah Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in amniga Magaalada Muqdisho uusan gacanta ugu jirin Dowladda Federaalka Soomaliya.
Waxa uu sheegay Iimaan Iikar oo ah Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir in Magaalada muqdisho ay ku sugan yihiin Ciidamo kala duwan islamarkaana aysan garanaynin halka ay ka amar qaataan.
Iimaan Nuur Iikar wuxuu sheegay inay magaalada Muqdisho caasimada Soomaliya ay noqotay sida xero ciidanka lagu tababaro oo kale maadaama ay aad uga buuxaan ciidamo hubeysan oo wata dharka Noocyadiisa kala duwan.
Sidoo kale waxa uu sheegay sababta aysan amaanka Muqdisho guud ahaan gacanta ugu heyn dowladda Federaalka Soomaaliya inay tahay maadaama ay jiraan ciidamo si gaar ah loo leeyahay oo joogo magaalada wuxuuna tusaale usoo qaatay in Hotel kasta oo magaalada ku yaal uu leeyahay ciidamo isaga u gaar ah.

