C/raxmaan C/shakuur:-“Lama Haayo Ciidamadii Badali Lahaa AMISOM oo U Buuxsantay Muddo 10-sano ah”,

0

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ahaa Musharaxiintii xilka Madaxweynaha kula tartantay Madaxweynaha xilka Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka hadlay joogitaanka AMISOM ee Soomaaliya, taasoo bishan u buuxsantay muddo 10-sano ah.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebkook ayuu kaga hadlay joogitaanka AMISOM ee 10-sanno jirsatay, isagoo iftiimiyay in aan wali la heyn ciidan Soomaaliyeed oo Mas’uuliyada kala wareegtay.

Waxaa uu soo jeediyay tallaabooyin dhowr ah oo ka kooban 7 qodob, si loo helo ciidan qaran oo howsha AMISOM kala wareega, kuwaasoo kala ah:-

1-In la is waafajiyo siyaasadda iyo qaab dhismeedka hay’adaha amniga ee heer federal iyo mid gobol, lana helo muwaafaqo ka dhexeysa qeybaha siyaasadda oo ay isku afgartaan hadafka laga leeyahay hay’adda amniga, qaybaha ay ka kooban yihiin, kharashka ku baxaya iyo la xisaabtanka ciidanka qalabka sida heer federal iyo heer maamul goboleed, iyaddoo la isu dheelli-tirayo ciidanka xoogga, kan daraawiishta, booliiska, nabad sugidda iyo ciidanka ilaaladda xeebaha, kuwa asluubta iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee ciidan federaalka iyo kan dawlad goboleedba.

2- In dib u eegis iyo dib u habeyna lagu sameeyo qaab dhismeedka ciidanka XDS si dhiiranaan iyo daah furnaan lehna loo taaba geliyo nidaam garaadaha, mushaaraadka, lacag bixinta, saadka ciidanka, qandaraasyadan iyo wax soo iibsiga, la socodka iyo kormeerka maaliyadda ku baxda ciidanka.

3- In la wanaajiyo xaalada nololeed ee ciidamada qalabka sida, iyadoo la siinayo mushahar joogta ah, qalab ay ku howl galaan, tababar lagu xoojinayo xirfadooda iyo in niyadooda sare loo qaado.

4- In la is waafajiyo kaalinta guddiga madaxa banana ee Amniga Qaranka, sida uu qeexayo dastoorku iyo kaalinta Golaha Amniga Qaranka, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo dhismaha ciidam milateri oo la isku raac sanyahay, garawshiyana laga bixiyo xaasaasiyadda siyaasadeed ee ay leedahay dib u habeyn lagu sameeyo dhismaha ciidanka xoogga, si uu u noqdo ciidan muunad qaran leh oo aan cidna cabsi gelin. Isku dhafka ciidanku waa in uu u dhacaa wuxuu talaabo qaadis tartiib tartiib ah, nidaam hoos laga soo unkay oo ay guutooyinku xilligooda ku gaarayaan , isku dhaf heer qaran ah, hadba inta la awoodo. Waa in ay beelaha oo dhami ku jiraan iyadoo aan cidna laga tegin, lagana tashan marka la dejinayo barnaamijka iyo qorshaha tababarka ciidanka.

5- In la dagaalanka Al-Shabaab ee Magaalooyinka waawayn uu Boolisku hormood ka noqdo, iyadoo xoogga la saarayo howlgalada ay sirdoonku hagayaan, lana dhiso cutubyada la dagaalanka aragagexisada ee ciidanka Booliska, halka ciidanka sirdoonku uu noqon doono ciidan dhar cad ah oo muuqdiisa la aqoon.

6- In la dhiso kartida iyo wax tarka wasaaradaha amniga iyo gaashaan dhiga ee xukuumadda, iyadoo iskaashi wax ku ool ah laga dhex samaynayo labada wasaaradood isla markaana la meel mariyo qorshaha u yaal.

7- In la sameeyo abaan-duul xiriiriya federaalka iyo maamul goboleedyada si loo mideeyo ciidanka xooga iyo kuwa booliska qaranka, lana dejiyo siyaasad amni qaran iyo qiimeynta khataraha oo ay isku raacsan yihiin dawlada federaalka iyo maamul goboleedyada. Waana in la xaqiijiyaa in Golaha Amniga Qaranka uu si buuxda ugu howl geli karo dalka oo idil, isagoo ay wakiillo ku yeelanayaan maamulada xubnaha ka ah Dawlada federaalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here