Madaxweynaha Puntland oo Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa UNDP ee Soomaaliya

0

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ayaa maanta 25-Nov-2015 Xafiiskiisa Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay Madaxa Hay’adda Care International ee Soomaaliya  Raheel Nasir Chaudhary.

Kulankaas oo looga wada hadlayey  dar-dar gelinta Mashaariicda ay hay’adda Care kafuliso Puntland  iyo sii xoojinta Xidhiidhka kadhexeeya Puntland iyo Hay’adda Care,  korna loogu qaadi lahaa mashaariicda ay hay’addu kafuliso Puntland.

Madaxa Hay’adda Care ee Soomaaliya Mudane Raheel Nasir ayaa dhankiisa ka warbixiyey hawlaha iyo shaqooyinka ay hay’addu kaqabato Puntland sida Tayyaynta Waxbarashada Aasaasiga ah oo ay kamidka tahay farsamada gacanta oo uu sheegay inay muhiimad gaar ah uleedahay wax soosaarka iyo Horumarka Puntland.

Sidoo kale Raheel Nasir ayaa sheegay inay Wasaaradda Deegaanka kala shaqeeyaan Ciidamada ilaalinta Deegnaanka, la-dagaallanka xaalufinta Deegaanka, iyo Buuxinta Boholaha, Qaabaynta Harooyinka, iyo Ilaalinta Dhirta iyo Duurjoogta.

Masuulkan  ayaa tibaaxay inay hay’addoodu bixiso Tababarro DIbadda ah,kuwaas  oo laxidhiidha ilaalinta deegaanka si loo tayyeeyo korna loogu qaado ilaalinta  Nabaad guurka, Xaalufinta Deegaank, dayactirka Boholaha iyo  ilaalinta Dabar goynta Duurjoogta.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hay’adda Care ku booorriyey dar-dargelinta iyo kor uqaadidda Adeegyada Bulshada iyo ilaalinta Deegaanka iyo Duurjoogta islamarkaasi tilmaamay sida ay lagama maarmaanka u tahay in  hay’adda Care dhug u yeelato Deegaanka iyo Aafooyinka Dabiiciga ah ee marar bada saamayn kuyeesha Nolosha Aadanaha, duurjoogta iyo guud ahaanba Deenkaanka Puntland.

–DHAMMAAD–

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here