Dowladda Kenya oo Sheegtay In Saraakiil Ka Tirsan Al-shabaab La Dilay

0

War kasoo baxay Dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in Ciidamada Kenya howlgal ay ka sameeyeen koonfurta dalka Soomaliya ay ku dileen 57-dagaalyahan iyo Saraakiishooda oo ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab.

Howlgalka oo ahaa mid ay fuliyeen diyaradhaa Kenya ayaa la sheegay in uu ka dhacay degmada afmadow oo 100KM u jirta Magaalada Kismaayo ee Gobolka jubada Hoose oo Saldhig ay ku leeyihiin Ciidamada Xarakada Al-shabaab.

“57-askari oo ka Tirsanaa Ciidamada Al-shaabab ayaa lagu dilay weerar ka dhacay degmada afmadow, lama shaacin karo tirade lagu dhaawacay weerarkaas”, ayaa lagu yiri war kasoo baxay Taliska Difaaca Kenya.

Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili Diyaaradaha Dowladda Kenya ay duqeyn ka fuliyeen deegaano ka Tirsan Gobolka Jubada hoose oo Al-shabaab ay ku xoogan yihiin, balse ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here