Madaxweyne Trump oo Sheegay in uu Soo Celin Doono Nashaadkii Maraykanka

0

Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa balan qaaday “in uu soo celin doono” nashaadkii Maraykanka, isaga oo khudbaddiisii u horaysay u jeediyay aqalka Congress-ka.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in uu bog cusub u furi doono dalkiisa.
Trump ayaa cambaareeyay burburkii loo gaystay xabaalaha Yuhuudda iyo falkii nacaybka ahaa ee dhawaan lagu dilay ninkii Hindiga ahaa ee ka dhacay Kansas.

Khudbaddiisan ayaa looga gol leeyahay in wax lagaga badalo dadka badan ee ay ka daadagi la’dahay madaxtinimada Trump.
Khudbadda madaxweynaha oo saacad socotay ayuu ku sheegay in dalkiisu uu yahay mid ku midooba cambaaraynta ficilada nacaybka ku salaysan.

Waxaa kale oo uu difaaacay carabkana ku adkeeyay ka bixitaanka Maraykanka ee heshiiska ganacsiga ee Trans-Pacific Partnership, iyo amarkiisii ahaa in darbi laga dhiso xadka Maraykanka iyo Maksiko.

Waxaa kale oo uu ka hadlay in ay macquul tahay is badal dhab ah oo wanaagsan lagu sameeyo hanaanka socdaalka, saacado uun ka dib markii uu saxafiyiinta Aqalka Cad ugu sheegay in laga yaabo in uu sharciyo siiyo soo galootiga aan sharciyada haysanin, taas oo tilmaamaysa in uu isbadal ku sameeyay siyaasadiisii hore.

Wuxuu xildhibaanada u sheegay in shuruucda socdaalka oo la dhaqan geliyo ay horseedi doonto in ay sare u qaadaan dhaqaalaha dadka dalka soo gala, in la caawiyo dadka shaqo la’aanta ah, in la badbaadiyo balaayiin doolar, iyo bulshooyinka oo dhan ay nabad ku naaloodaan.

Madaxweyne Trump oo u muuqda in uu isha iska sii marinayo khudbadda ka dib markii uu ka baxay Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka isaga oo ku sii jeeday Congress-ka.Lahaanshaha sawirkaABC
Image caption

Madaxweyne Trump oo u muuqda in uu isha iska sii marinayo khudbadda ka dib markii uu ka baxay Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka isaga oo ku sii jeeday Congress-ka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here