Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi maxamed Farmaajo ayaa Goordhaweyd furay shir soconaya hal maalin oo loogu hadlaayo Abaaraha dalka ka jira.
Shirkaan ayaa ka dhacaya xarunta xalane ee Magaalada Muqdisho, waxaa ka qeyb galaya dalalka deeq bixiyaasha iyo mas’uuliyiin kale, waxaa looga hadlayaa sidoo kale sida ugu haboon ee gurmad deg deg ah loo gaarsiin karo dadka Soomaaliyeed ee Abaaraha halakeeyen.
Madaxweynaha Somaia Maxamed C/llahi Farmaajo, ayaa shir guddoomin doono Shirkaan, waxaana Warbixin la xiriirta xaalada Abaaraha dalka ka taagan laga dhageysan doonaa Maxamed Cumar Carte oo ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, sidoo kalena madax ka ah Guddiga Gurmadka Abaaraha ee heer qaran.
Shirkaan waxaa horey u iclaamiyay Madaxweynaha Somaiya Maxamed C/llahi Farmaajo, kadib markii uu kulamo la qaatay mas’uuliyiinta sare sare oo qaramada midoobay ka socday.




