Madaxweynaha Puntland oo Digniino u Jeediyay Siyaasiyiinta Dhaliilsan+Dhageyso

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa u jawaabay qaar kamid ah siyaasiyiinta reer Puntland oo Xukuumadiisa ku dhaliilay in ay dib u dhac u keentay shacabka reer puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in siyaasiyiinta Maamulkiisa dhaleeceenta u jeedinayo uu kamid yahay madaxweynihii Hore ee Maamulka Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole uu ka caawiyay in uu kamid noqdo xubnaha Aqalka Sare ee dalka si dalka uu hormar u gaarsiiyo.

“Nimanka hadlay uu kamid yahay Madaxweynihii Hore ee Maamulka puntland C/raxmaan Faroole aniga ayaa ku daray xubnaha aqalka sare ee dalka si uu ugu odayeeyo shacabka reer Puntland, Faroole wuu ka warqabaa sida ay Puntlnd aheyd markaan hogaankeeda qabanayay, sidoo kale Shire asagoo ah wasiirka Maaliyadda puntland ayaa noqday madaxweynaha ma jirin wax mushaar ah oo la bixin jirey,waxaan ku baaqayaa in fowdada Puntland laga joojiyo”, ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali maxamed Cali Gaas.

siyaasiyiinta Puntland ayaa dhawaanahaan dhaleeceen u jeedinyay maamulka Puntland uu hogaamiyo C/wali Gaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here