Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele oo  la Kulmay Wafdi ka Socda dowlada Sacuudiga

0

Madaxweynaha jabuuti mudane ismaaciil cumar Geele ayaa Wafdi ka socday dowladda sacuudiga kula kulmay qasriga madaxtooyada jabuuti ayaa waxa ay kawada hadleen Arimaha wadamada Soomaaliya iyo Yemen.

Madaxweyne Geele ayaa sacuudiga ugu mahad celiyey sida ay u taageersanyihiin wadamadaani isagoona sheegay in loo baahan yahay in lasii kordhiyo taageerada la siinayo wadamaani.

“Runtii waa in la taageeraa wadamada Soomaaliya iyo Yemen waxaana jabuuti ku sugan Dad kasoo cararay colaadaha Yemen waxa ayna u baahan yihiin taageero deg deg ah” sidaana waxaa sheegay Madaxweynaha jabuuti.

Mas’uuliyiintaani ka socday dowladda Sacuudiga ee gaaray Jabuuti ayaa booqanaya xarumaha ay ku xareysan yihiin dadka kasoo caray colaadaha ka jira wadanka Yemen.

Jabuuti ayaa kamid ah isbaheysiga uu sacuudiga Hogaamiyo ee ka dagaalama Wadanka Yemen kuwaasi oo dagaalo xooggan kula jira kooxaha Xuutiyiinta iyo maleeshiyaadka daacadda u ah madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax.

Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa lagu xantaa in ay Ciidamo u direen gudaha Yemen isla markaana ay qeyb ka yihiin Ciidamada isbaheysiga xirmooyinka dabeelaha ee uu sacuudiga Hogaamiyo inkastoo wadamadaani ay iska fogeeyeen jiritaanka arintaasi balse waxa ay sheegeen in arintooda ay ku eg tahay taageero oo kaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here