Maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegay in Maxkamad lasoo taagi Afhayeenka odoyaasha dhaqanka Gobolka bari ee C/qaadir oo todobaadkaan gudihiisa xabsi ay dhigeen Ciidamada amaanka maamulkaas kadib markii uu sheegay in xabsiyadda boosaaso lagu jirdilo dadka.
Taliyaha Ciidamada Booliska Maamulka Puntland Jen. Cabdqaadir Shire Faarax Erag ayaa sheegay in Maxkamadda lasoo taagayo afhayeenka odoyaasha dhaqanka ay noqon doonto mid cadaalad ah islamarkaana go’aankii ay soo saarto lagu qaadi doono.
“Qofka markii uu fadhiyo miiska cadalaadda waxa uu xaq u leeyahay in uu dooddo, maxkamaddaasi dhammaan cadeemahooda waa la hayaa, dad aniga aan garanay cida ay u sheeqaan ayaa waxa ay sameenayaan shacab kicin, maxay ka faa’idayaan hadii ay gurigooda dab qabadsiiyaan ayuu yiri Jen. Cabdqaadir Shire Faarax Erag.
Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili afhayeenka odoyaasha dhaqanka Gobolka bari ee C/qaadir uu booqday xabsiga weyn ee Magaalada Boosaaso intaas kadib ayuu saxaafadda u sheegay in dadka lagu jirdilo Xabsiga si ay u qirtaan dambi aysan laheyn.

