Xidlhibaanada Aqalka Sare ee dalka ayaa maanta oo sabti ah isugu yimid kulankooda 6-aad kalfadhiisa kowaad,waxaa shir gudoominayay gudoomiyaha aqalka Sare ee dalka Cabdi Xaashi C/laahi
32-mudane oo ka Tirsan aqalka Sare ayaa soo xadirtay kulanka.
Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka warbixiyay waxyaabihii u soo qabsoomay tan iyo markii la doortay iyo howlaha hor-yaala, waxaana uu hor-dhigay sameynta 5 Guddi KMG ah, iyadoo dood kaddib Xildhibaanada ay ansixiyeen.
Guddiyada KMG ee la ansixiyay ayaa waxay kala yihiin:-
Guddiga Amniga
Guddiga Sameynta Miisaaniyadda Aqalka Sare
Guddiga Shaqaaleynta Shaqaalaha Aqalka Sare
Guddiga Sameynta Xeer Hoosaadka
Guddiga Sameynta Aqalka Sare
Xildhibaanada Aqalka sare ayaa ansixiyay labo Hab dhowre ama Nidaamiye oo lagu kala magacaabo C/kaafi Macalin Xasan iyo Fartuun C/qaadir Faarax.
Sidoo kale Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in 5-ta Guddi ee la ansixiyay Guddi walba ay xubin ka yihiin 7 xubnood, waxaana uu faray Guddiyadan in muddo todobaad ah ku soo dhameystiraan howlaha loo xil saaray, kuna soo celiyaan Aqalka Sare si loo ansixiyo.

