Baraha bulshada sida Facebook iyo Twitter-ka waxaa qabsaday markii la magacaabay Raisulwasaaraha cusub ee Soomaliya Xasan Cali Kheyre xiriirka uu la lahaa Shirkadda Soma Oil and Gas ee fadhigeedu yahay dalka UK.
Raisulwasaaraha Cusub ee Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay in saami dhan 1.1% una dhigma laba milyan oo saami ku lahaa shirkaddan ka shaqeysa sahminta iyo baarista shidaalka Soomaaliya, sida ku cad website-keeda.
Waxa uu sidoo kale ahaa agaasimaha fulinta shirkadda ee qaaradda Afrika, Si kastaba, Soma Oil and Gas, ayaa saacado kadib markii la magacaabay Xasan Cali Kheyre ka saartay website-keeda, ayada oo sheegtay inuu baabi’iyey dhammaan wixii saami ah ee uu ku lahaa shirkadda, iskana casilay xilkii uu ka hayay Shirkadda.
Tusaale, marka Xasan Kheyre uu ku jiro saamiga, waa 100%, hase yeeshee marka laga saaray waa 98.9%, taasi oo macnaeedu yahay in saamiga Xasan Kheyre la qariyey oo kaliya, oo aanu si rasmi ah meesha uga maqneyn sida ku cad webka Shirkadda Soma Oil and Gas ee fadhigeedu yahay dalka UK.
Shirkadda Soma Oil and Gas, islamarkaana laga leeyahay dalka Britain oo kamid ah shiradaha heshiisyada dhinaca Shidaalka ah ayaa heshiis la galay Xukuumaddii Somaliya ee waqtigeeda uu dhamaaday, waxaa heshiiska xiligaas Soomaliya u saxiixa wasiirkii Partroolka Soomaliya C/risaaq Cumar Maxamed dhanka Shirkadda waxaa u saxiixay madaxii shirkadda ee xiligaas Michael Howard oo ahaa hoggaamiyihii hore ee xisbiga Conservativeka ee xukunka dalka Britain.

