Dowladda Ingiriiiska ayaa shaacisay in ay Soomaliya ka caawin doonto sidii Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed loogu dhisi Lahaa Xarun ay Tababaro ku qaataan kadib markii ay dhaliishay xarumaha yar yar ee Lagu tababaro.
Britain waxa ay sidoo kale sheegtay in ay bixin doonto lacagaha ku baxaya xiradda cusub ee loo dhisayo Ciidamada dowladda Soomaliya iyo gunooyinka la siin doono Ciidamada tababarka qaadanaya iyo Saraakiisha ka bixinaysa Cashirada.
Britain waxa ay sheegtay in Saraakiisha bixin doonta Tababarka laga soo dhex xuli doono AMISOM, waxa ayna tilmaantay in Xeradaasi laga yagleeli doono deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed gaar ahaan duleedka magaalada Baydhabo.
Dhulka laga dhisaayo Xerada lagu tababaro Ciidamada Militeriga Dowladda Somalia, ayaa waxaa iminka booqday Saraakiil si gaara looga dhex xulay AMISOM uu ugu horeeyo Taliyaha Amisom ee Soomaliya Generaal Subagle.



