Waxaa soo Hagaagaysa xaalada Caafimaad dadkii ku sumoobay Caano ay cabeen oo la dhigay isbitaalka Guud ee Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
Agaasimaha isbitaalka Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud Maxamed Cumar Yuusuf oo la Hadlay Xafiiska idaacada simba ee Magaalada cadaado ee Gobolka Gaduud ayaa sheegay in ay soo hagaagayso xaalada caafimaad dadkii cabay caano sun ku jirtay oo la jiifiyay isbitaalka Guud Magaalada Cadaado.
Dhanka kale Maamulka Isbitaalka Magaalada Cadaado ayaa sheegay In 7-ruux la jiifiyay isbitaalka Guud ee Magaalada cadaado ee Gobolka Galgaduud kusoo cabay caano sumeysan.

