Wararka ka imaanaya degmada hobyo ayaa ku waramaya in duhurnimadi maanta hawada laga saaray isgaarsiinta degmadaasi islamarkaana uu haatan degmada hobyo ka bilowday barakac ay dadka sameynayaan.
Ciidamo hubeysan oo ka tirsan al-shabaab ayaa la sheegay in ay u ruqaansadeen degmada hobyo sidoo kalana tuulooyinka Hobyo ku dhow ay isgaarsiinta maanta ka jareen.
Dhinaca kale ciidamada al shabaab ayaa la sheegay in doonayaan in ay gaaraan degmada hobyo oo uu ka arimiyo maamulka Galmudug.
Dadka ku nool degmada ayaa maanta bilaabay in isaga barakaacan degmada hobyo xili dadka ay ka baqanayaan in lagu dul dagaalamo.

