Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in dagalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay Caawa Soo Buux dhaafiyeen Duleedka magaalo xeebeedka Ceelhuur ee Gobolkaas.
Ciidamadaan ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa laba jiho uga soo dhaqaaqay Magaalada Ceel-huur, dhanka wadada Camaara ka timaada, oo ay galabta soo gaareen deegaanka Baraag Fareeyo oo 20 km waqooyi galbeed uga beegan Ceelhuur, halka caawa ay ciidamada Shabaabka ay soo gaareen deegaan Xeebeedka Qosoltire oo 15 km koofur uga beegan Ceelhuur.
Dadkii ugu badnaa ayaa galabta iskaga barakacay magaalo xeebeedka Ceelhuur ee Gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug iyagoo ka cabsi qaba in waxyeelo kasoo gaarto dagaal dhexmara galmudug iyo Xarakada Al-shabaab.
Dhanka kale Ciidamo fara badan oo ay hogaaminayaan saraakiil iy wasiiro ka tirsan maamulka Galmudug ayaa maanta gaaray deegaano iyo tuuloyin hoos yimaada Degmada Xarar-Dheeere ee Kofurta Gobalka Mudug oo Al-Shabaab ay Maamulkaan.
Xubnahaan ayaa Saaka ka Amba baxay Deegaanka Bacadweyne Gobalka Mudug waxaan ay isku Jiraan Wasiiro iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Daraawiisha Galmudug iyo Nabad-sugida Maamulkaasi.
Warar qaar ayaa sheegaya ujeedka ciidamadan iyo wasiirada la sheegay iney halkaa ku wajahan yihiin iney tahay Sidii Maamulka Galmudug uu ganacta ugu dhigi lahaa Deegaano iyo Tuulooyin hoos yimada Degmada Xara-dheere Halkaas oo Saacadihii la soo Dhaafay ay Dhaq-dhaqaaqyo ay ka Wadeen Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab kuwaas oo Shalay la Wareegay Deegaanka Camaara.

