Faah-faahin:-Hoobiyayaal Ku Dhacay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir

0

Wararka ka imaanaya Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in tiro Hoobiyayaal ah in ay ku dhaceen xaafadda Kaawo Godey gaar ahaan goobtii dhawaan uu ka dhacay qaraxii ismiidaaminta ahaa.

Dad ku sugan Degmada Wadajir ayaa idaacadda Simba u xaqiijiyay in hoobiyayaasha ay degmada ku dhaceen islamarkaana uu jiro qasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah.

Hoobiyayaasha ku dhacay degmada wadajir ayaa sidoo kle la xaqiijiyay in ay ku dhaceen dhanka Saldhiga Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee Xarunta Xalane.

Maamulka Degmada Wadajir ayaa u gurmaday dadkii ku waxyeeloobay Hoobiyaasha ku dhacay xaafadda Kaawo Godey degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here