Xildhibaan Soo Bandhigay Labo Qodob oo Dagaalyahanada Al-shabaab Loogu Guuleysan Karo+Dhageyso

0

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo kamid ah Baarlamaanka Soomaliya islamarkaana mar soo noqday Wasiirka Gaashaandhiga Soomaliya ayaa ka hadlay sida loogu guuleysan karo dagaalka Al-shabaab ay dowladda Soomaliya kula jirto.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Dowlada cusub ee Soomalia looga baahan yahay inay la imaado qorsho howleed oo ay uga talaabi karto marxaladaha kala duwan ee horyaal, islamarkaana loogu adkaan karo dagaalyahnada Xarakada Al-shabaab.

Xuseen Ciise Carab waxa uu tilmaamay in Guusha koowaad ay imaan doonto goortii xiriir wanaagsan laga dhex abuuro Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya iyo Ciidamada midowga Afrika AMISOM, oo qabta shaqooyinka amniga kuwooda ugu muhiimsan, waxa uu sidoo kale tilmaamay in aysan jirin awood liidata ay xiligaan leeyihiin Ciidamda Xoogga dalka Soomaliyeed.

Ugu dambeyntii Xildhibaanka ayaa Guusha labaad ku sheegay in Ciidamada Qaranka loo dhameystiro xuquuqda iyo agabka ciidamada waxa uuna Madaxweynaha Qaranka ugu baaqay inaanu dhaliilsan awooda Ciidamada DFS.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here