Wakiilkii Hore Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsanaa Arrimaha Soomaaliya Danjire Nickolas Key ayaa ugu baaqay Maamulka Puntland in xabsiga kasii daayaan wariye Jaamac Deperaani oo maalmo ku xiran xabsiga Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal,
Nickolas Key oo Hadal kooban ka jeediyay Furitaanka Shirweynaha Qaran ee Horumarinta Saxaafadda Soomaaliya ayuu sheegay in Maamulka Puntland loogu baahan yahay in xabsiga ay kasii daayaan Wariyaha u xiran
Hadalka Wakiilkii Hore Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsanaa Arrimaha Soomaaliya Danjire Nickolas Key ayaa kusoo beegmaya xili Maamulka Puntland uu Maalmo badan xabsiga kusoo hayo wariye Jaamac Deperaani.

