Madaxweynihii Hore ee Maamul Goboleedka Galmudug Mudane Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid ayaa ka Hadlay dagaalada kasoo cusboonaaday Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug,
Isagoo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho Mudane Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid ayuu sheegay in wax laga xumaado ay Tahay dagaalada xiligaan kasoo cusboonaaday Magaalada gaalkacyo ee Gobolka Mudug iyo Barakaca ka Bilowday Gobolka Mudug gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo,
Madaxweynihii Hore ee Maamul Goboleedka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid ayaa dhanka kale ugu baaqay Madaxda Maamulada Galmudug iyo Puntland in ay ka naxaan dadka Ku nool Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug oo dagaalkii dhawaan dhacay qasaaro kala duwan uu kasoo gaaray ,

