Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed howlgal ay sameeyeen ayay kusoo qabteen dad lala xiriirinaayo weeraradii Maanta ka dhacay degmooyinka Hodan iyo Xamar Jajab ee Gobolka banaadir.
Hawlgalka labaad oo laga sameeyay meel ku dhow xaafadda SII SII, qaybteeda xigta dhinaca Degmada Kaaraan, ayaa waxaa lagu soo qabtay haweeney iyo laba nin oo kal, Haweeneyda la soo qabtay waxay sheegtay in ay leedahay gaariga laga soo qabtay xaafadda Jamhuuriya.
Sarkaal ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida, ayaa warbaahinta u sheegay inaanan waxba laga dhageysan haweeneydaasi, maadaama uu soo galay baaritaanka ku aadan weeraradii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, loona baahan yahay in wax badan laga ogaado cidda ka dambeysa weeraradaasi.
Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada weeraradii Maanta lagu Dilay Ala Ha u Naxariistee Max’med Cumar Hagafeey oo ahaan jiray Afhayeenkii hore ee maamulka Ximan iyo Xeeb islamarkaana lagu dhaawacmay Xasan Dheere oo kamid ah Saraakiisha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliya ee NISA.

