NISA:-Gacanta ayaa Lagu Soo Dhigay Gaarigii Lagu Fuliyay Weeraradii Muqdisho Ka Dhacay

0

War kasoo baxay Taliska Hay’adda Nabada Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ee NISA ayaa lagu sheegay in gacanta lagu soo dhigay gaari kuwa Noah-da oo maanta lagu fuliyay weeraro ka kala dhacay degmooyinka Xamar jajab iyo Hodan ee Gobolka Banaadir.

Hay’adda Nisa ayaa sheegtay in gaariga laga soo qabtay Xaafadda Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir islamarkaana ay baxsadeen ragii waday gaariga, balse lagu raad joogo sidii loo soo qaban lahaa.

Weeraro qorshaysan ayaa barqanimadii iyo duhurnimadii maanta ka kala dhacay degmooyinka Xamar Jajab ee Iyo Hodan, weerarkii hore oo ka dhacay degmada Xamar Jajab waxaa lagu dhaawacay Taliye ku-xigeenkii Hore ee Hay’adda Nisa Xasan Dheere, weerarkii labaad oo ka dhacay Degmada Hodan waxaa lagu dilay Max’med Cumar Hagafeey oo ahaa jiray Afhayeenkii hore ee maamulka Ximan iyo Xeeb.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here