Duhurnimadii Maanta waxaa inta u dhaxaysa isgoyska Tarbuunka iyo isbitaalka digfeer Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho lagu dilay Afhayeenkii hore ee maamulkii Ximan iyo Xeeb Ala Ha u Naxariistee Maxamed Cumar Hagafeey.
Falkaan waxaa geystay dabley hubeysan oo watay gaari kuwa raaxadda ah waxaa ay siteen sida naloo xaqiijiyay dareeska Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya, mar qur ah ayay rasaas ku fureen gaariga uu la socday mas’uulka taasi oo keentay in goobta uu ku geeriyoodo.
Dhanka kale Afhayeenka maamulka Galmudug C/laahi Xaashi Faarax Roob’da’ay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay aad kaga xun yihiin falka lagu qaarijiyay Afhayeenkii hore ee maamulkii Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Hagafeey, islamrkaana ay tacsiyadenayaan hadii ay yihiin dowlad Goboleedka Galmudug.





