Qaar kamid ah dhalinyarada Soomaliyeed ee ku xiran Jaziiradda Seychelles oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhibaatooyin badan ay ku heystaan xasbiyadda Jaziiradda islamarkaana lagu xukumay xukuno kala duwan.
Xasan Cabdi Cali oo kamid ah Dhalinyarada Soomaliyeed ee ku xiran Jaziiradda Seychelles ayaa sheegay in halkaas uu ku xiran yahay muddo 6-sano ah islamarkaana loo diiday in uu qabsado qof u dooda sida xaqiisa u helo islamarkaana xabsiga loogu sii daayo.
Waxa uu sheegay Xasan Cabdi Cali oo kamid ah Dhalinyarada Soomaliyeed in Ciidamada jaziiradda ay ka qabteen biyaha Soomaliya islamarkaana lagu eedeeyay in ay ahaayeen kooxo burcad badeed ah.
“Magacaygu waa Xasan Cabdi Cali waxaan kamid ah Dhalinyarada Soomaliyeed ee ku xiran Jaziiradda Seychelles waxaa laygu xukumay 6-sano oo xabsi ah, liima ogalaanin in aan qabsado qof ii dooda, dhibaatooyin badan ayaa halkaan nagu haysta, qaar kamid ah dhalinyarada way dhinteen kadib markii ay soo wajaheen Cuduro kala duwan”, ayuu yiri Xasan Cabdi Cali.
Ugu dambeyntii Xasan Cabdi Cali oo kamid ah Dhalinyarada Soomaliyeed ee ku xiran Jaziiradda Seychelles ayaa ugu baaqay dowladda Cusub ee Soomaliya In ay wax ka qabato arintooda.

