Hay’adaha Qaramada Midoobay oo Ka Digay Saameyn Ka Dhalatay Abaaraha Ka jira Gobolada Dalka Soomaaliya

0

Hay’adaha Qaramada midoobay hoos yimaada ee kala ah hay’ada cundada aduunka ee WFP iyo waliba hayada kale ee qaramada midoobay u qaabilsan dhalaanka iyo waxbarashada ee UNICEF ayaa shaaca ka qaaday in loo baahanyahay lacag ka badan 459 Million US bilaha soo socda si wax loogu qabto xaaladaha bini’aadanimo ee sii xumaanaya kuwaa oo ka jira dalka Soomaaliya.

Laurent Bukera oo ah agaasimaha WFP kaa oo ku sugan magaalada Mogadishu ayaa sheegay in gobalada waqooyi gargaar la’gaarsiiyay balse baahidu tahay mid taagan iyadoo waliba si xowli ah ay ku socota abaaraha aaadka u daran ee dalka ka jira waxaana uu sheegay in waqti badan oo la’lumiyo imika in aysan jiran balse loo baahanyahay in la gurmado.

Waxaana sidoo kale war uu soo saaray ku sheegay in sida ugu macquulsan in ay tahay gaarista dadka abaaraha ay saameeyeen kuwaa oo sida uu sheegay ay soo wajahday cunno la’aan iyo biyo yari baahsan iyadoo caruurta ay yihiin kuwa nafaqo la’aan la’daala dhacaya waxaana uu intaa ku daray 6.2 Million oo qof oo ku nool gabi ahaanba dalka soomaaliya in ay abaarta saameysay.

Steven Lauwerier, oo isna sidoo kale ah u qaabilsanaha soomaaliya hay’ada UNICEF ayaa sheegay in caruur kabadan 944,000 sidoo kale abaarta ay saameysay isaga oo tilmaamay in nafaqo darro baahsan imika ay la’daala dhacayaan 185,000 caruur ah kuwaa oo u baahan in taageero xoogan la’gaarsiiyo.

Hay’adaha Unicef iyo WFP oo isbuuc booqasho ku joogay deegaanada ay abaaraha saameeysay ayaa waxa ay sheegeen in qiimaha qutul-duruuriga ee raashiinka uu kor u kacay dadkana biyo iyo cuno ay raadin ay bilaabeen waxaana si wadajir ah ay u sheegeyn in dadaalo xoogan ay ku bixin doonaan sidii loo samata bixin lahaa dadka abaaraha saameynta ku yeelatay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here