Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha dhexe ayaa ku waramaya in Xaley gobolkaasi lagu dilay 3-qof iyadoona la dhaawacay 2 kale.
Dadka ayaa lagu dilay deegaanka Ceeldheer oo kamid ah deeganada hoostaga degmada mahadaay.
Qof goobjooge ah ayaa warbaahinta Idaacadda Simba u sheegay in Koox maleeshiyaad ah ay weerar ku soo qaadeen goob ay ku sugnaayeen dadka la dilay qaarna la dhaawacay.
Risaas la sheegay in dadka ooda lagaga qaaday ayaa sababtay dhimashada 3 qof iyo dhaawaca laba kale.
Falkaan ayaa lagu saleynayaa aanooyin qabiil oo mudooyinki la soo dhaafay ku soo laalaabanayay duleedka degmada Mahaday ee gobolka sahbeelaha dhexe.

