Xasan Sheekh Oo Maanta Xilka ku Wareejinaya Madaxweynaha Cusub Soomaaliya

0

Waxaa maanta qorshaha uu yahay in magaalada muqdisho gaar ahaan xarunta madaxtooyada soomaaliya lagu qabto Munaasabada xil wareejinta Madaxweynaha Soomaaliya.

xASAN Sheekh Maxadweynihi hore soomaaliya ayaa si rasmi ah xilka ugu wareejinayo madaxweynaha cusub soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

Waxaa Munaasabada xil wareejinta ka qeyb geli doona Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) qaar ka tirsan xubnaha Labada Gole ee Dowladda Federaalka, xubno ka socda Beesha Caalamka iyo marti sharaf kale.

Shadoor Xaaji oo ah Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in xil wareejinta ay bilaaban doonto 09:00 subaxnimo, si weyna loogu diyaar garoobay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here