Wararka haatan naga soo gaaraya Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in salaadii maqrib kadib gudaha degmadaas lagu dilay mid ahaa Nabadoonada Soomaliyeed.
Ala Ha u Naxariistee Nabadoon Muuse Ilka-weyne oo kamid ahaa Nabadoonada Soomaliyeed ayaa lagu dilay xafadda Suuqa Weyn ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir xili uu kasoo baxay Salaadii Maqrib sida idaacadda Simba ay u sheegeen dad halkaas ku sugnaa.
Kooxihii dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaa durbadii gaaray Ciidamada dowlada Soomaliya oo goobta ka sameeyay baaritaano, lama ogo cida loo soo qabtay dilka.
Dhorkii maalin aynu soo dhaafnay muqdisho waxaa ka dhacayay dilal loo geystay Nabadoonada Soomaliyeed oo intooda badan kasoo laabtay xarumaha maamul goboleedyada oo xildhibaanada laga soo doortay.

