Taliye Tareedisho:-“51-askari oo ka Tirsanaa Al-shabaab ayaa Lagu Dilay Howlgal Qorshaysan”,

0

Taliska Guutada xureynta Bariga Gobolka Galgaduud oo la hadlay Laanta afka Soomaliga ee VOA-da ayaa sheegay in howlgalo qorshaysan oo la sameeyay in lagu dilay askar iyo saraakiil sare sare oo ka tirsanaa Al-shabaab.

Taliyaha Guutada xureynta Galgaduud-Bari Jeneraal Maxamed Axmed Tareedisho ayaa sheegay in ciidamada dawladda ay Al-Shabaab ka dileen in ka badan 50-askari kuwaasi oo ku sugnaa Deegaano ka tirsan bariga Gobolka Galgaduud.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in askarta Shabaab ay ku dileen hawlgallo toddobaadyadii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanadaas, oo qeybo badan oo ka mid ah ay joogaan Al-Shabaab, waxa uuna sheegay in ay sii socon doonaan howlgalada.

Wali wax war ah kama soo bixin dhanka AL-Shabaab ay kaga hadlayaan arintaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here