Madaxweynihii Hore ee Maamulka Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole oo dhawaan isku sharxay xilka madaxweynaha Soomaliya ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada garoowe ee caasimada Maamulkaas.
Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka puntland iyo dadweyne aad u fara badan ayaa kusoo dhaweeyay Madaxweynihii Hore ee Maamulka Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole Magaalada Garoowe kuwaasi oo watay Sawirada Faroole.
Cabdiraxmaan Farole, ayaa hoygiisa caasimadda Garowe saxaafadda uga waramay arrimo ku aadan doorashadii ka dhacday magaalada Muqdishu isagoo xusay inuu isagu ka haray kadib markii farogalin baahsan uga timid dalka iyo dibadda doorashadii dalka ka socotay.
Wuxuu tilmaamay in madaxda Puntland qayb ka ahaayeen arrintaas waliba iyagoo ay la socdaan Guddoonka golaha wakiillada kuwaasoo la saftay murashax gooni ah, balse ay ka raacday fadeexad sida uu hadalka u dhigay.
C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole, ayaa sidoo kale tilmaamay inuu Garowe u yimid si aan cadaadis loogu saarin xukuumadda imaan doonta isagoo cadeeyay inay jiraan shakhsiyaad faraha kula jira dowladda lasoo dhisi doono.
Isagoo arrintaas sii faah faahinaya, wuxuu kadigay in faro galin lagu sameeyo qorshayaasha Madaxweynaha isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay Madaxdii Madasha iyo kuwa maamul goboleedyada ee ku fashilmay siyaasadda Somalia sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaan ka digayaa in farogalin lagu sameeyo qorshayaasha Madaxweynaha cusub gaar ahaan xukuumadda uu soo dhisi doono, waxaana madashii fashilantay iyo waxa ay wateen ugu baaqay inuu ninkaas ka ammaan helo oo faraha looga qaado arrimahiisa,”Ayuu yiri mudane Farole.
Xildhibaankaan ka tirsan aqalka Sare ayaa sidoo kale codsaday inaan lagu mashquulin kadib markii maanta magaalada Garowe la isla dhexmarayay arrimo kala duwan oo xitaa kaliftay inaysan xukuumadda uu hogaamiyo Cabdiwali Gaas shakhsi katirsan uusan qayb ka ahayn soo dhaweyntiisa, wuxuuna xusay in ciddii dhibaato wada ay iyadu ku noqonayso.
“Warar waan maq-maqlayay, waxaanse idiin sheegayaa inaan aniga la igu mashquulin, cidna xumaan uma wado xumaanna waligay kama shaqayn wanaag farid ma ahane,” Sidaas ayuu kusii daray hadalkiisa C/raxmaan Faroole.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xili madaxwaybaha Puntland masuuliyiinta Gobolka nugaal uu faray in la hor istaago soo dhawaynta Faroole islamarkaana warbaahinta madaxa banaan lagu goodiyey tilaabo laga qaadi doono hadii ay qayb galaan soo dhawaynta Farole hase ahaate ma suuro galin isku daydaasi waxaana si diiran u soo dhaweyey dadwayne tiro badan iyadoo warbaahintu si caadi ah uga qayb gashay.















