Mareykanka oo Si Weyn Kaga Wal-walsan Weerarada Kooxaha Burcad badeeda

0

Ururka badaha caalamiga ee IOM gaar ahaan u qaabilsanahii hore ee la’dagaalanka burcad badeeda ayaa waxa uu sheegay in ugu yaraan 27 weerar oo loo geystay dooman iyo afduub in ay dhaceen waxaana sidoo kale uu xusay in ay fashilmeen weeraro ay isku dayeen in ay fuliyaan kooxaha burcad badeeda kuwaa oo ka dhacay xeebaha galbeedka qaarada Africa tan iyo bishii april ee sanadkii tagay iyadoo la’soo wariyay ilaa imika 2 weerar oo burcad badeeda ay fuliyeen.

Andrew Haviland oo katirsan waaxda difaaca dalka mareykan ayaa sheegay in la fuliyo qorsho lagu xaqiijinayo amaanka xeebaha dalalka qaarada Africa in ay tahay mid muhiim ah oo soomaaliya ay kamid tahay isagoo xusay in kulan ka dhacay magaalada Abidjan ee dalka Ivory coast sarkiil ka socotay 15 dal oo African ah in ay isku raaceen la’dagaalanka kooxaha burcad badeeda kuwaa oo ku dhirirsan xeebaha dalalka u dhaxeeya Guinea, senagl ilaa iyo dalka Angola kuwaa oo kawada shaqeyn doona xoojinta amanka badahooda iyo waliba dalalka deriska la’ah.

Waxaana sidoo kale diploomaasigan uu xusay in dowlada mareykanka hub iyo dhaqaaleba ugu deeqeyso dalalka dagaalka lagalaya kooxaha burcad badeeda oo uu sheegay in yihiin kuwo Qatar ku ah badaha caalamiga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here