Inta la xaqiijiyay 5-kamid ah Ciidamada dowlda Kenya ayaa ku dhaawacmay kadib markii qarax miino lala eegtay gaari ay wateen oo maraayay Tuulada Hulluqo oo ah meel u dhaxeysa xuduudka Soomaliya iyo Kenya,
Laamaha Amaanka dalka Kenya ayaa sheegay in weerarka miino ay ka dambeeyeen Xarakada al-shabaab oo marar badan weerar ku qaaday Gobolka woqooyi Bari ee dalka Kenya
Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Woqooyi bari Kenya Saleh Mohamud oo la Hadlay warbaahinta Gudaha dalka Kenya ayaa sheegay in askartii ku dhaawacmatay qaraxa in loo qaaday Magaalada Gaarisa ee Gobolka woqooyi bari dalka Kenya
Sido kale Afhayeenka Ciidamada Difaaca dowlada dalka kenya Col David Obonyo ayaa dhankiisa sheegay in qasaaro badan uusan soo gaarin ciidamada qaraxa lala eegtay waa siduu Hadalka u dhigay,

