Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada Komaandooska Xooga Dalka Soomaaliyeed Ciidamada PIS ee Dowlada Gobaleedka Puntland iyo Ciidamada Nabad Sugida Galmudug, iyo Al-shabaab ayaa galabta ka dhacay deegaanka Ceel-cabdi oo u dhaxeeya deegaanada Caad iyo Camaara ee Gobolka Mudug.
Dagaalkaan ayaa bilowday kadib markii dagaalyahno ka Tirsan Xarakada Al-shabaab ay jidka u galeen Ciidamada Huwanta ah oo dhankooda ku wajahnaa deegaanka caad oo u dhow degmada Xarardheere oo Al-shabaab ay ku xoogan yihiin.
Al-shabaab ayaa la sheegay in ay doonayeen in ay ka difaacdaan Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug oo Ciidamada PIS ee Dowlada Gobaleedka Puntland iyo Ciidamada Nabad Sugida Galmudug ay doonayay in ay la wareegaan.
Mid kamid ah dadka deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaalka uu xooganaa islamarkaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

