Madaxweynaha Cusub ee Dowladda Soomaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Madaxweynihii Hore ee Soomaliya Xasan Shiikh Maxamud ayaa haatan Xarunta Madaxtooyadda Soomaliya ku leh Kulan albaabada ay u xiran yihiin.
Ilo lagu kalsoonan karo ayaa idaacadda Simba u sheegay in labada mas’uul ay kawada hadlayaan isbadalka ku dhacday, waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in madaxweynaha Cusub ee Soomaliya Maxamed C/laahi Farmaajo la barayo Madaxtooyada Soomaliya.
Waxaa sidoo kale kulanka loogu hadlaayaa xil wareejinta Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo la wareegitaanka Maxamed C/laahi Farmaajo oo dhawaan ku guuleystay xilka Madaxweynaha Soomaliya, iyo qaban-qaabada xafladda Caleema-saarka.

