Farmaajo oo Loogu Baaqay in uu Soo Celiyo Maqaamka Siyaasadeed ee G/Banaadir+Dhageyso

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo maanta ka qeyb galay isku soo bax lagu Taageerayay Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa ka codsaday dowladda Cusub inay soo celiso maqaamka siyaasadeed ee Gobolka Banaadir.

“Shacabka Magaalada Muqdisho xabada ayaga ayay ku dhacdaa, qaraxana ayaga ayuu ku dhacaa, gaarigana ayaga ayuu jiiraa, hadana waa dadka u taagan saacad kasta u heelan dowladnimada, maqaankii Magaalada muqdisho waa uu maqan yahay, madaxda dowlada Cusub ee uu hogaaminayo Farmaajo waa in ay cadeeyaan Maqaamka Magaalada muqdisho”, ayuu yiri Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa mar kale ku baaqay in wadooyinka xiran ee Magaalada Muqdisho la furo islamarkaana laga qaado waxyaabaha laga gooyay, dad arintaas sameeyay ayuu ugu baaqay in ay aaminaan ilaahey.

Cod 1 Kampala

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here