Railsulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya iyo Madaxweynaha Puntland oo Boosaaso Ku Wajahan

0

Railsulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Cumar C/rashdii Cali Sharmarke iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta lagu wadaa in ay gaaraan Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Ujeedka ay u gaaraan magaalada Boosaaso Madaxdaan ayaa ah sidii ay ugu qeyb gali lahaayeen Aaska qaran ee Magaaladaas loogu sameynayo Madaxweynihii Hore ee Maamulka Puntland Jeneraal cadde Muuse Xirsi (Jeneraal cadde) oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Abu Dubia ee dalka Isutaga imaaraadka Carabta.

Madax ka tirsan Maamulka Puntland ayaa sidoo kale la filayaa in ay ka qeyb galaan aaska loo sameynayo Maamulka Puntland Jeneraal cadde Muuse Xirsi (Jeneraal cadde) oo dhawaan geeriyooday.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here